Wasiirka Dekedaha Somalia C/qaadir Maxamed Nuur ayaa baraha bulshada soo dhigey qoraal uu ugu jawaabayo hadalo maalmihii ugu danbeeyay uu baraha bulshada soo dhigayey Siyaasiga Cusmaan Dube oo ka soo jeeda Gobolada Waqooyiga Soomaaliya.
Cusmaan Dube oo dhawaan iska casilay xubin Xildhibaan Aqalka sare ee Dowlada Federaalka Somalia ayaa sheegey in magaalada muqdisho ay go’doon ku jirto alshabaabna wexey doonto ka sameyso wax amni ahna uusan ka jirin.
Wasiir Jaamac oo si adag uga jawaabayay hadalka Cusmaan Dube wuxuu xusay in Cusmaan Dubbe Muqdisho laga maamuusay sidoo kalana xil iyo hantida laga siiyay, muqdishana uu amnigeedu yahay mid aad u wanaagsan oo la isku haleyn karo.
Sidoo klale Wasiirka ayaa sheegey in Cusmaan Dubbe in uu aflagaadeeyey madaxda qaranka iyo weliba shacabka soomaaliyeed oo in mudo ah sharaf iyo karaamo kula noolaa isaga oo aan ha malain wax dhib ah loogu geysan magalada muqdisho.
