Warar aynu ka helney Xarunta Maamulka Waqooyi Bari Somalia ee Laas-caanood ayaa sheegaya in maanta Maamulkaasi sii deyn doono Maxaabiis reer Somaliland kuwaasoo mudo ku xirnaa Laas-caanood.
Wararka ayaa sheegya maxaabiista lasii deyn doono iney tiradoodu dhab tahay 70 ruux kuwaasoo si rasmi ah loogu wareejin doono Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somalia Xasan Sheekh oo dadaal badan u galay sidii maxaabiista.
Xogaha la helayo waxay intaasi ku darayaan in Maxaabiistan ay Madaxweyne u sii raaci doonaan Magaalada Muqdisho kadibna Dowladu xiriir la sameyn doonto Maamulka Somaliland si iyagana ay maxaabiista ay hayaan isu dhaafsadaan.
Sidoo kale Madaxda Maamulka Somaliland waxaa lagu wadaa inay war ka soo saaraan qorshaha Madaxweyne Xasan ee ah in maxaabiista ay is dhaafsadaan Maamulada Waqooyi iyo Somaliland.
