Siyaasiyiin xubno ka ah golaha samata bixinta ayaa cambaareeyey talaabadii maanta ciidamada Dowlada Federaalka ku dileen dad shacab ah oo sameynaayey mudaaharaad looga horjeeday boobka dhulkii warlaliska ee degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.
Ugu yaraan shan qof oo shacab ah ayaa ku dhintay qaar kalena wey ku dhaawacmeen rasaas ciidamada amaanka DF ay ku fureen dadka dibed baxayey oo jaray qaar ka mid ah jidadka degmadaas.
Ciidamada amaanka DF ayaa galabta dib uga laabtay halkaas ka dib markii ay u caal waayeen dadka diidanaa dhulboobka ka socday degmadaas ee rabshadaha sameynayey, waxaana arrintaas si kulul ugu hadlay xildhibaano ka soo jeeda beesha ku badan degmadaas oo shacabka ugu baaqay iney is difaacaan.
Xisbiga Himilo Qaran ee uu horkacayo Maaxweynihii hore ee dalka Shariif sheikh Axmed ayaa si kulul u cambaareeyay falalka dilka, dhaawaca iyo barakicinta sharci-darrada ah ee lagu hayo shacabka ku dhaqan deegaanka Warlaliska ee Degmada Dayniile.
