Mareykanka oo soo qafaashey madaxweynaha dalka Venezuela

0
260

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump ayaa subaxnimadii Sabtida ku dhawaaqay in ciidammada Mareykanka ay gacanta ku dhigeen Madaxweynaha dalka Venezuela Nicolás Maduro iyo xaaskiisa Cilia Flores, kaddib howlgal milatari oo ballaaran oo laga fuliyay gudaha dalka Venezuela.

Trump ayaa sheegay in howlgalkan uu ahaa weerar ballaaran oo si guul leh ku dhammaaday, isla markaana lagu fuliyay iskaashi dhex maray ciidammada Mareykanka, hay’adaha ammaanka iyo cutubyada gaarka ah.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa warkan ku shaaciyay qoraal uu ku daabacay baraha bulshada, isagoo sidoo kale xaqiijiyay in uu shir jaraa’id qaban doono saacadaha soo socda, si uu faahfaahin dheeraad ah uga bixiyo howlgalka iyo wixii ka dambeeyay

Mas’uuliyiinta dowladda Venezuela ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabada Mareykanka, iyagoo ku tilmaamay gardarro milatari. Waxay sidoo kale ku dhawaaqeen xaalad degdeg ah, iyagoo ugu baaqay shacabka inay isu abaabulaan kana hortagaan waxa ay ku sifeeyeen weerar gumeysi ah.