Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqay in malainta berrito ah la qaban doono shir degdeg ah oo looga arrinsanayo howlgalka militari ee Mareykanka ka fuliyay dalka Venezuela.
Shirkan degdegga ah waxaa codsaday dalka Kolombiya oo xubin aan joogto ahayn ka ah Golaha Ammaanka, waxaana taageeray xubnaha joogtada ah ee Shiinaha iyo Ruushka.
Kulanka berito ayaa la filayaa in doodda diiradda lagu saari doono sharcinimada howlgalka Mareykanka, saameynta uu ku leeyahay madax-bannaanida Venezuela, iyo cawaaqibta amni ee ka dhalan karta gobolka Latin America.
