Deegaanno ka tirsan Maamul Goboleedka Koofur Galbeed iyo Jubbaland ayaa la sheegayaa in ay ka jiraan abaaro saamayn ku reebay dadka Xoolo dhaqatada ah iyo kuwa Beeralayda ah, qoysaska qaar ayaa billaabay in ay u qaxaan deegaanno kale.
Qaar ka tirsan dadka deegaan oo warbaahinta la hadley ayaa sheegay in xaaladdu ay sii adkaatay maalmihii lasoo dhaafay kaddib markii biyihii yaraa ee deegaannada qaar laga helayay laga waayay ceelasha sidaas awgeedna dadku isaga tageen deegaannadooda.
Dhul baaxad weyn oo beeraha ku abuuran ku tiirsanaa Webiyada Jubba & Shabeelle ayaa qalalan, waxaana laga digayaa in xaaladdu ay kasii adkaato sida ay hadda tahay haddii aan Roob da’in ama Webiyadu biyo keenin.
Abaaraha ka jira deegaanadan ayaa ah abaaro xili kasta waqtiyadan oo kale ka dhaca deegaanada maadaama aysan ka jirin ceelal badan oo ay dadka iyo xolahaba biyo ka cabaan iyo roob la,aan baahsan oo ka jirta guud ahaan dalka.
