Madaxweyne Mise Gole-Madaxtooyo

0
524

Waxaa bilowday qandhadii – dareen kulul iyo jareyn –caadiga ahayd eedoorashada madaxweynaha Soomaaliya, waana soo dhamaan doontaa haddii Allah idmo. Xaalka waqtiga xaadirka ah kama duwana wixii dhici jiray waqtiyadaan oo kale, marka natiijada laga filan doono iyo mustaqbalka sannadaha soo socda iyagana waxii hore loo arki jiray kama gedisnaan doonaan. Arrinta haddii aay sidaas tahay, ma waxaa nala gudboon in aan sugno xaqiiqadaas mise in aan baadi-goobno xal kale? Ma jiraan wax bedel u noqon kara waxa taagan maanta? Jawaabta waa haa, waana idinla wadaagi doonaa.

Marka hore, xalka intaanan u gelin, aan isla fiirino labada dhibaato– tuhun iyo kalsooni-darro – ee ugu weyn salkana u ah horumar la’aanta wadanka:

Waxaan u maleynaa in la isku wada raacsan yahay in uu jiro tuhun weyn – maadaama aanan maxkmad qof loo soo taagin, laguna helin dambi, tuhun ayaan ku joojineynaa – oo ah in madaxda sare aay ku kacaan musuqmaasuq iyo dhac hantida umadda ah. Waxaana la aaminsan yahay in madaxda aaysan gelin juhdi dhisidda macaahid (institutions) wax ka qabankara tuhumdaas sida maxkamado heerar kala duwan ah oo lagu kalsoonaan karo.

Dhibka labaad waa dadka oo aan kalsooni ku qabin madaxda dowladda guud ahaan, gaar ahaan hogaanka ugu sareeya.

Weey adag tahay in la xaliyo dhibaatooyinkan iyo saameyntooda iyadoo aan la helinhogaan danta dalka iyo dadka ka hormariya tiisa gaarka ah. Soomaaliya waxaa soo maray madaxweynayaal badan oo aan dhihi karno ma kasban kalsoonidii shacabka mana keenin horumar la taaban karo.

Haddii hal madaxweyne la doorto, ha ku imaado qof iyo cod ama si kaleba, waxaa la hubaa in lagu noqon doono tuhunkii iyo kalsooni la’aantii, marka waa in la raadiyo hab kale oo kaas bedelkiisa ah. Waxaa jira hab Gole Madaxtooyo (Presidential Council) oo aay isticmaalaan wadamada Switzerland iyo Bosnia iyo Herzogovina oo ka bedelan keena.

Switzerland

Wadankaan wuxuu leeyahay Gole Federaal (Federal Council) oo toddobo xubnood ka kooban oo si-wadajir ah u haya jagada madaxweynenimada. Golaha Federaalka waxaa doorta Midowga Baarlamaanka oo ka kooban xubnaha Baarlamaanka wadanka (200 xubnood) iyo xubnaha baarlamaanka gobolada (46 xubnood), waxaana la siiyaa awood (mandate) afar sannadood ah.

Hal xubin oo toddobadaas ka mid ah ayeey haddana Midowga Baarlamaanka Swiss-ka u doortaan madaxweyne muddo hal sanno. Howsha madaxweynaha waa in uu guddoomiyaa shirarka Golaha Federaalka. Go’aanadana si wadajir ah ayaa loo gaaraa iyadoo qofka ku tilmaaman madaxweynaha sannadkaas ah uu yahay xubin aan waxba dheereyn lixda xubnood ee kale.

Toddobada xubnood ee Golaha waa hogaanadatoddobada wasaaradood ee dowladda. Wasaaradahaas go’aamadoodana si wada jir ah waxaa u gaara Golaha Federaalka.

Tusaale, Karin Keller-Sutter oo ah madaxweynaha waqtigan xaadirka sidoo kale waa Wasiirka Maaliyadda Federaalka.

Bosnia iyo Herzegovina

Wadankan waxaa ku midoobay laba maamul oo iskood isu-maaula (outonomous)–Federaalka Bosnia iyo Herzegovina (Federation of Bosnia and Herzegovina) iyo Jamhuuriyadda Serbiga (Republika Srpska) – iyo Degmada Brcko.

Dadkiisana, badankood, waxay u qeybsan yihiin saddex qowmiyadood oo kala ah Bosnian (muslimiin), Koraats (Katoolig) iyo Serbiyaan (Kiristaanka orthodox-ka ah).

Wixii ka dambeeyey Heshiiskii Dayton ee la saxiixay dhamaadkii 1995-tii wadanka wuxuu lahaa dastuur sheegaya in la sameeyo madaxweynenimo saddex xubnoodah (Guddoomiye iyo laba xubnood oo kale).

Federaalka Bosnia iyo Hersogovina codeeyayaashooda waxay u codeeyaan laba xubnood oo kala matalaya qowmiyadaha Bosniyaanka iyo Koraatka. Codeeyayaasha Republika Srpska ayaa doorta xubinta mataleysa Serbiyaanka. Saddexda xubnood waxaa la soo doorta afartii sannaba mar. Waxayna joogaan muddo xileed afar sanno ah oo uu qof walba aay soo marto guddoomiyenimada laba jeer oo min siddeed bilood ah.

Golahan madaxtooyada ayaa si wadajir ah u xukuma wadanka dejiyana siyaasadaha arrimaha arrimaha dibadda, maaliyadda, difaaca iwm.

Aan u soo noqono Soomaaliya, waxaan sheegnay in aay jireen tuhunno ah in hogaanadii Soomaaliya aay ahaayeen kuwo kaligood taliyayaal ah, musuqmaasuq badan oo aan lahayn karti maamul. Xaqiiqooyinka marka la qiimeeyo waxay u badan tahay in tuhunnadaas aay sax yihiin.

Marka muddo xileedkaan dhamaado, haddii uu hogaanka/madaxweynenimada uu mar kale qabto hal shaqsi, waxay u badan tahay in dhibaatooyinka kore aay sidoodii u sii jiri doonaan ama aay ka sii dari doonaan. Taas ma tahay wax anfaca dadka iyo dalka?

Xalka wuxuu yahay in Soomaalida waxgaradkeeda iyo shacabkeeda aay raadiyaan wax ka bedelan wixii hore, si loo soo yareeyo ama loo soo afjaro dhibaatooyinkaas, oo loo helo Gole Madaxtooyo oo matalaya bulshada Soomaaliyeed, karti maamul leh, oo meesha ka saara tuhunada.

Waxaa haboon in “Saamiilayaasha Siyaasadda” iyo waxgaradka kale ee Soomaalida aay ku mashquulaan sidii looga mira dhalin lahaa wax ka bedelan waxa socda oo aan ognahay natiijadooda.

Haddii la helo bedelkaas – Gole Madaxweyne – musuqa wuu yaraan doonaa, maxkamado iyo macaahid waxqabad leh ayaa dhismi doona, waxaana soo noqon doonta aaminaadda shacabka. Intaas marka la helo ayaa laga hadli karaa amaan, degenaan siyaasadeed iyo horumarin la taaban karo.

Gole Madaxtooyo oo si fiican looga fiirsaday habraaca uu ku imaanayo, qaab-dhismeedkiisa iyo waajibaadkiisa wuxuu xal u noqon karaa dhibaatooyinka wadankeena.

Wa Bilaahi Towfiiq
Abdulkadir M. Abow
abow@idirect.com