Madaxweynaha oo sheegey in ay socoto dadaalo lagu xalinaayo khilaafka u dhexeeya dowlada federaalka iyo maamulada puntlad, Jubaland

0
418

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shaaca ka qaaday in ay socdaan dadaallo siyaasadeed oo lagu xallinayo khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland, Isagoo wareysi gaar ah siinayay Telefishinka Al Arabiya, ayuu madaxweynuhu si cad u sheegay in ay jiraan kanaallo kala duwan oo lagu wado wada-hadallo ujeedkoodu yahay in xal waara laga gaaro is-faham la’aanta siyaasadeed ee ka dhex jirta dhinacyadaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu tilmaamay in arrinta doorashooyinka heer degaan ay haatan tahay midda mudnaanta la siinayo, halka doorashooyinka guudna ay imaan doonaan wakhtigooda. Wuxuu sidoo kale rajo ka muujiyay in khilaafka Jubbaland laga gaarayo heshiis kahor inta aan la gaarin doorashooyinka deegaanka iyo kuwa qaran.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli dalka uu u diyaar garoobayo doorashooyin muhiim ah, isla markaana ay jiraan walaac laga qabo kala qaybsanaan siyaasadeed oo saameyn ku yeelan karta habsami u socodka hanaanka dimuqraadiyadeed.

Waraysiga uu Madaxweyne Xasan Sheekh siiyay Al Arabiya ayaa lagu macneyn karaa dadaal dheeri ah oo ay dowladda dhexe ugu jirto in la mideeyo aragtida siyaasadeed ee maamulada si loo xoojiyo wadajirka dowladda Federaalka Soomaaliya.