Ciidamada dowlada oo maanta howlgalo ka fuliyey degmada awdheegle

0
467

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysnaa oo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka ay ka fuliyeen aroornimadii hore ee saakay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ayaa lagu beegsaday xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab oo la tilmaamay iney dhibaato xoogan ku hayeen dadka beeraleyda ee ku nool degmadaas.

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in howlgalkan lagu dilay ilaa todobo xubnood oo ka tirsana kooxda, islamarkaana lagu dhaawacay tiro intaas ka badan..

Warsaxafadeedka kasoo baxay Wasaarada Difaaca dalka ayaa sidoo kale lagu xusay in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka go’an tahay sii wadista howlgalada ka dhanka ah maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab inta laga xaqiijinaayo amniga guud ee dalka.