Wasiirka warfaafinta puntland oo ka hadley arimaha dastuurka

0
368

Puntland ayaa sheegtay inay u dhaqmayso sidii dowlad madax bannaan inta laga gaarayo heshiis ku saabsan shuruucda federaalka Soomaaliya, iyadoo dowladaha caalamka taageera Soomaaliya ay ku baaqday in ay ula macaamilaan si lamid ah dowlad madax bannaan.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa hadalkan jeediyay kaddib markii uu ka jawaabay dhaleeceyn uga timid Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macali Fiqi, oo ka falceliyay xaflad lagu taageerayay biyo-xireenka Itoobiya oo lagu qabtay Garowe.

Wasiir Caydiid ayaa sheegay in Soomaaliya aysan ka jirin dowlad awood u leh inay dammaanad qaaddo masiirka dalka, isgaoo sheegay Puntland in aysan cid kale u daba fadhiisan doonin arrimaheeda gudaha.

Wuxuu sheegay masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka, oo uu ku jiro wasiir Fiqi, inay lasoo shaqeeyeen ururrada argagixisada sida Alshabaab, sidaas darteedna aanay xaq u lahayn inay ka hadlaan arrimaha Puntland.