Warsaxaafadeed looga hadlayo dhul boob oo kasoo baxay madasha samata bixinta

0
511

Warsaxaafadeed kasoo baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed garabka uu hoggaamiyo madaxweynahii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa si adag looga hadlay dhul boob ay sheegeen inuu ka socda xaruntii Kuliyadda Tababarka Abaanduulka ciidanka ee Axmed Gurey ee dhulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybaha xaruntii Jiifka Ardayda iyo Kulliyadda Caafimaadka.

Madasha Samatabixinta ayaa tilmaamtay in arintan ay tahay mid lid ku ah dowladnimada, amniga, mustaqbalka Waxbarashada dalka, iyadoona sidoo kale qoraalka Madasha lagu xusay in ciidamada iyo tacliintu yihiin aasaaska dawladnimada.

Warsaxafadeedka Madasha ayaa sido kale lagu sheegay dowladda Fedaraalka ay dayacday masuuliyadda ka saaran ilaalinta hantida guud, islamarkaana ay ogolaatay in lagu xad gudbo dhulkii shacabka iyo xarumihii tababarka iyo caafimaadka.