Gudoomiyaha baarlamaanka oo xafiiskiisa kula kulmay denjiraha cusub ee midowga yurub

0
382

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ahna, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe), ayaa kulan muhiim ah ku qaabilay xafiiskiisa Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, Francesca Di Mauro, iyo ku-xigeenkeeda Karin Gatt-Rutter.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub, Labada dhinac waxay si qoto dheer uga wada hadleen arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin dib-u-eegista dastuurka iyo xeerarka muhiimka ah ee horyaalla Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa soo dhaweeyay danjiraha cusub, isagoo muujiyay sida dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee ay la leedahay Midowga Yurub.

Danjire Francesca Di Mauro ayaa dhankeeda uga mahadcelisay Guddoomiyaha doorkiisa hoggaamineed iyo sida uu ugu heelan yahay horumarinta xiriirka labada dhinac, Waxay carabka ku adkeysay muhiimadda ay leedahay sii wadidda iskaashiga si loo gaaro horumar waara.