Taliska Africom oo sheegey in ciidamadooda lagu weerarey meel ku dhow magalada kismaanyo

0
392

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa shaaciyay in ciidamadooda lagu weeraray meel u dhaw magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

War qoraal ah oo uu Taliska ku daabacay bartooda X ayaa lagu sheegay in weerarka oo ahaa mid aan toos aheyn uu dhacay Khamiistii, islamarkaana uusan geysan wax khasaare ah.

Dhinaca kale warbaahinta ku hadasha afka Al-shabaab ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay xalay hawlgal ka fuliyeen garoonka diyaaradaha Kismaayo, gaar ahaan qaybta ay ka degan yihiin ciidamada Mareykanka.

Kooxda ayaa sidoo kale sheegtay in hawlgalka uu ahaa mid qorsheysan uu u dhacay, sidii loogu talagalay, islamarkaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo kasoo gaaray ciidamada iyo Saraakiisha Mareykanka ee ku sugan garoonka Kismaayo.