Ciidamada dowlada oo howlgalo lagu baacsanaayo alshabab ka fuliyey deegaano ka tirsan gobolka shabelaha hoose

0
428

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaa guutada 14-ka October ayaa howlgalo qorsheysnaa ka fuliyay saacadahii lasoo dhaafay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka ayaa howlgalada ku beegsaday tuulooyinka kala ah Malable, Siigaale iyo Buulo Arundi oo ah dhamaantood deegaano hoostaga deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha hoose, halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab.

Howlgaladaan ayaa waxaa hoggaaminaayay Taliyaha guutada 14-ka October Gashaanle dhexe Cabdiraxiin Maxamed Munye, kaasoo warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in ciidamada ay cagta mariyeen maleeshiyaad kooxdu u diyaarisay inay baad ka qaadaan dadka beeraleyda ah ee ku nool tuulooyinka howlgalada laga sameeyay.

Taliye Munye ayaa sidoo kale sheegay in howlgalada noocaan ah ay ciidamada dowladda sii wada yaan inta kooxda Al-shabaab laga saarayo guud ahaan deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Shabeellaha Hoose.