Waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacay kulan dheer oo dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Taliyaha cusub ee Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Jeneral Dagvin R. M. Anderson iyagoo diirada ku saaray dagaalka ka dhanka ah al shabaab.
Jeneral Anderson ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u faahfaahiyay istaraatijiyadda AFRICOM ee la dagaallanka Al-Shabaab, isaga oo mar kale xaqiijiyay sida Mareykanku uga go’an tahay in uu taageero Soomaaliya si ay uga adkaato kooxaha xagjirka ah, isla markaana ay u horumariso awoodda ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.
Taageerada cusub ee Mareykanka ayaa la filayaa in ay ka koobnaato hawlgallo diyaaradeed oo lagu bartilmaameedsanayo saldhigyada argagixisada, is-weydaarsiga sirdoonka, tababaro milateri, iyo taageero kale oo lagu xoojinayo awoodda ciidanka Soomaaliya.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu gorfeeyay xaaladda amni ee guud ee Geeska Afrika, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen halista kooxaha hubeysan ee xuduudaha dhaafaya, iyo baahida loo qabo iskaashi goboleed oo xooggan si loo xakameeyo khatarahaasi.
