Wasiirka gaashaandhiga oo kulan la qaatey wasiirka difaaca ee dalka serbiya

0
369

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay Wasiirka Difaaca Seerbiya, Bratislav Gašić, kaa oo ka dhacay magaalada Belgrade iyagoo diirada saaray xoojinta iskaashiga Military ee labada Dal.

Wada-hadallada u dhexeeya labada Wasiir ayaa salka ku hayay fursadaha iskaashiga difaaca, iyagoo hoosta ka xariiqay sida ay uga go’an tahay labada waddan kobcinta iskaashiga militariga.

Intii uu socday kulanka ayaa wasiir Fiqi waxa uu ku nuux nuuxsaday muhiimadda ay leedahay amniga iyo xasiloonida gobolka, Waxa uu carabka ku dhuftay dadaalka ay Soomaaliya ugu jirto la dagaalanka argigixisada iyo horumarinta nabadda xuduudaheeda.

Is-weydaarsiga fikradaha istiraatiijiyadaha amniga ayaa ahaa diiradda ugu muhiimsan, iyadoo labada wasiir ay garwaaqsadeen in la wadaago khibradaha wax ka qabashada caqabadaha guud ee la xiriira arrimaha ammaanka.

Wasiir Gašić ayaa dhankiisa muujiyay sida Serbia ay diyaarka ugu tahay inay Soomaaliya ka taageerto xoojinta awooddeeda difaaca, Wuxuu xusay in iskaashiga dhanka tababarada ciidamada, xog wadaagga, iyo taageerada saadka ay wax weyn ka tari karaan xiriirka labada dal.