Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutooyinka 19-aad iyo 25-aad ayaa howlgalo qorsheysan ka sameeyay saacadahii lasoo dhaafay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalada ayaa ahaa kuwa ciidanka ay kaga hortagayeen abaabulo kooxda Al-shabaab ka waday qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose.
Ciidamada xoogga dalka ayaa ku guuleystay in wadooyinka shacabka isticmaalaan ay kasoo saaraan miinoyin halis badan oo kooxdu ku aastay wadooyin muhiim ah.
Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in Howlgalkan uu qayb ka ahaa dadaalada joogtada ah ee ciidanka xoogga dalka ku doonayaan xaqiijinta amniga dadka shacabka ah ee ku nool gobolka Shabeellaha Hoose.
