Madasha Samatabixinta Qaranka, ayaa shir ay lahaayeen maalmihii lasoo dhaafay waxa ay kasoo saareen go’aanno culus iyo sidoo kale digniin loo dirayo dowladda Federaalka Soomaaliya uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
War-murtiyeedka ay soo saareen Madasha ayey welwel uga muujiyeen in dowladda ka jeesatay dagaalkii lagula jiray kooxaha argagaxisada oo hadda weerar ku ah deegaanno ay ka jirto nabad, waxa ay sidoo kale Madasha ugu baaqeen Dowlada in la joojiyo boobka iyo barakicinta lagu hayo dadka shacabka ah.


