Howlgalo laga fuliyey gobolka shabelaha hoose

0
434

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaarka ah Kumaandooska Danab ayaa xalay howlgal qorsheysan oo lagu dilay horjooge ka tirsanaa maleeshiyada Al-shabaab iyo ilaaladiisa ka fuliyay tuulada Farsooleey ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ayaa la sheegay in lagu dilay mid ka mid ah horjoogayaasha kooxda u qaabilsanaa dhanka qaraxyada iyo sadax xubnood oo aheyd ilaaladiisa, hayeeshee dowladdu wali ma shaacisan magaca horjoogaha la dilay.

Waxaa sidoo kale lagu xusay qoraalka in Horjoogahan la dilay uu door muuqdo ku lahaa weeraro qaraxyo ah oo lagu beegsaday shacabka Soomaaliyeed oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad aan waxba galabsan.

Howlgalkaan qorsheysnaa ayaa kusoo aadaya, iyadoo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay si weyn u kordhiyeen mudooyinkii dambe howlgalada ka dhanka ah Maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku sugan gobolka Shabeellaha Hoose.