Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday hirgelinta adeegga E-VISA, kaas oo lagu soo dalban karo qaab elektaroonik ah iyada oo loo marayo mareegta rasmiga ah ee Hay’adda www.evisa.gov.so. Tani waa tallaabo taariikhi ah oo Soomaaliya ku biirinaysa dalalka isticmaala nidaamka casriga ah ee fiisooyinka elektarooniga ah.
Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa ku dhawaaqay in laga bilaabo 1-da Sibteembar ajaanibka dalka soo galaya ay ku soo geli doonaan nidaamka E-VISA.
Dhanka kale agaasimaha Waaxda Ajaanibta iyo Dal ku galka Isxaaq Xassan Taakow ayaa sheegay in muddo dheer la soo diyaarinayay nidaamkan casriga ah ee codsiga fiisaha online-ka, kaas oo fududeyn doona in dadka ajaanibta ah ay ka dalban karaan dalku galka meelkasta oo ay joogaan, laguna heli karo muddo kooban gudahood. Waxa uu intaas ku daray in howl-wadeenno gaar ah loo tababaray si ay u hubiyaan bixinta fiisaha si hufan oo degdeg ah.
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Duhulow ayaa xusay in maanta ay Soomaaliya qaadday tallaabo weyn oo taariikhi ah, taas oo muujinaysa in dalka uu la jaanqaadayo nidaamyada casriga ah ee caalamka. Waxa uu sheegay in nidaamka E-VISA uu door muhiim ah ka qaadan doono sugidda amniga dalka, ilaalinta xogta, kobcinta dhaqaalaha iyo fududeynta adeegyada socdaalka.
Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in qayb ka mid ah dadka ajaanibta ah laga dhaafay shuruudaha eTAS ka sida kuwa haysta fiisaha wadar-jeer lagu soo geli karo dalka (Multipla Visa), kuwa haysta degenaanshaha, Diblomaasiyiinta, baasaboorka UNLP iyo dalalka Soomaaliya kula jira heshiisyada iso-socodaka xorta ah
