Safiirka dowladda Itoobiya ee Somalia Suleiman Dedefo Woshe, ayaa waraysi uu biixyey kaga hadlay khilaafka dalkiisa kala dhexeeya Masar, arrimaha biyo xireenka iyo ciidamada Masaarida ee la geynayo qaybo ka mid ah Somalia.
Danjire Suleiman Dedefo Woshe, ayaa ugu horrayn sheegay in ciidamada Masar ee imaanaya Somalia aysan gacan ka geysan doonin xasilinta Soomaaliya hase-yeeshee ay wataan ajandayaal siyaasadeed.
Dhanka kalena, Safiirka ayaa waxa uu sheegay in Masar wiiqayso horumarka dalkiisa, “Diidmada masar ee biyo xireenka waa arrimo siyaasadeed waana Mowqif ka dhan ah horumarka Ethiopia”.
