Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, ayaa maalintii shaley kulan la yeeshay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Den. Kulankaasi ayaa diiradda lagu saarayay arrimaha amniga, xaaladda bani’aadantinimo iyo horumarinta, iyo xiriirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.
Qoraal kasoo baxay kulankii shaley ayaa lagu sheegay in wadahadalladu ahaayeen kuwo dhinacyo badan taabanaya, oo ay ku jiraan dagaalka Daacish iyo doorka Puntland iyo Dowlad goboleedyada kale ay ku leeyihiin nabadda iyo dowlad dhiska.
James Swan wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda midnimo iyo wadahadal siyaasadeed oo loo dhan yahay, isaga oo sheegay in khilaafaadka u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ay hor istaagi karaan is-afgarad qaran.
Wuxuu sidoo kale sheegay in arrimaha la xiriira wax ka beddelka dastuurka iyo habka doorashada 2026 loo baahan yahay in xal siyaasadeed oo ay ku wada heshiiyaan dhinacyadu lagu gaaro.
