Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa deegaanka ee Macawiisleyda ayaa gobolka Hiiraan ka bilaabay dhaqdhaqaaqyo culus oo ay ku doonayaan iney dib ula wareegaan deegaanadii ay dhawaan qabsadeen maleeshiyaadka Al-shabaab.
Ciidamadaan is kaashanaya ayaa buux dhaafiyay deegaano ku dhadhaw degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan oo ay gacanta ku hayso kooxda Al-shabaab.
Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa iyo kuwa Macawiisleyda Hiiraan ayaa isla gartay in la xoojiyo howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab iyo sidii kooxda looga xureyn lahaa deegaanada ay kaga sugan yihiin Hiiraan.
Abaabulkaan ay wadaan ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa kusoo aadaya, iyadoo maleeshiyaadka Al-shabaab mudooyinkii lasoo dhaafay ay isku balaariyaneen deegaanada ka tirsan Hiiraan, gaar ahaan kuwa hoostaga Buula burte, Maxaas iyo Moqokori.
