Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisaalam Cabdi Cali, ayaa si adag uga hadlay xaaladda adag ee ay wajahayaan shacabka Falastiin, gaar ahaan dadka ku nool Gaza, intii uu khudbad ka jeedinayey shirka degdegga ahaa ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee ka dhacay magaalada Jeddah.
Wasiirku waxa uu si cad u cambaareeyey xasuuqa iyo dhibaatada ay Israel ku hayso dadka Falastiiniyiinta ah, isagoo ku baaqay joojinta dagaalka iyo in si degdeg ah loo joojiyo rasaasta, lana ilaaliyo shacabka rayidka ah.
Waxa kale oo uu ku boorriyay in la fududeeyo gaarsiinta gargaar bani’aadamnimo oo degdeg ah si loo badbaadiyo nolosha dadka ku dhibaataysan Gaza.
Wasiir Cabdisaalam ayaa sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in la taageero xalka laba-da dowladood, kaasoo salka ku haya in la dhiso dawlad madax-bannaan oo Falastiini ah oo caasimaddeedu tahay Bariga Qudus.
