Xubnaha Mucaaradka ee dhawaan isaga baxay Golaha Samatabixinta ee Shalay heshiiska la gaaray dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ee maanta ay la kulmaan xubno ka tirsan Wakiillada Beesha Caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho.
Wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa sheegaya in xubnahaan ay kulanka kula wadaagi doonaan Wakiillada Beesha Caalamka heshiiska ay la galeen dowladda Federaalka ee la xariira hanaanka lagu gaarayo doorashada soo socota ee dalka iyo iney furtaan Xisbi ay kula tartamaan hoggaanka haatan haya talada dalka.
Heshiiskii shalay dhexmaray xubnahan ka mid ka ahaa masuuliyiinta caanka ah ee ka mid ahaa Mucaaradka ayaa waji kale u yeelay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan isfahamkii cuslaa ee u dhaxeeyay madaxda dowladda iyo Mucaaradka ee ku aadana arrimaha Doorashooyinka.
Ma jirto wali wax war ah oo kasoo baxay dhanka Mucaaradka wali ku mideysan Golaha Samatabixinta oo ku aadan xubnahaan isaga baxay golaha ee heshiiska la gaaray madaxda dowladda Fedaraalka Soomaaliya, waxaase la filaya in saacadaha soo aadan iney war rasmi ah soo saari doonaan.
