Sheekh Adan Madoobe iyo wiilkiisa oo dabin ku ridaaya wasiir Yusuf

0
24

Waxaa beryahan baraha bulshada qabsatey warqad uu ku saxiixan yahay wasiirka wasaarada shaqada iyo shaqaalaha Xil.Yusuf Maxamed Adan warqadaas oo ay ku qoran yihiin 17 ruux oo ka mid noqon doona wafdi uu asaga hogaaminaayo oo kusii jeeda magalada Geneva ee dalka swetzerland.

Waxaa jirtey qoraal aan hada ka kor soo dhigey baraha bulshada oo aan kaga hadlaayey xaalada uu wasiirrka ku sugan yahay ee eheyd in xafiiska uusan eheyn xafiis uu isaga ka taliyo balse ay talada gacanta ugu jirto wakiilka sheekh Aadan madobe, Yusuf Hasan Isaak.

Liiskan aad arkeysaan waa liis dheer oo ka kooban 17 ruux, 17kaa ruux marka laga reebo 3 shaqi inta kale waa tahriibayaan waxaana lacagta kasoo aruriyey agaasime Yusuf Xasan isaga oo qandaraaskaasi u gudbiyey Sheekh Adan Madoobe oo isaga ah ninka la rabey inuu howsha soo kala furdaamiyo.

Sheekh adan Madoobe tan iyo intuu talada baarlamanka qabsadey dadka uu soo tahriibiyey oo uu lacagta ka gurtey waxaa ay kor u dheefeen boqolaal xataa waxaa uu gaarey in Kaam dhan loo bixiyo Kaamka sheekh Aadan Madoobe kaamkaasi oo ku yaala dalka jarmalka.

Maanta hadii aad fiiriso agaasimaha guriga uu ka gatey Kenya iyo guriga uu hada ka dhisanaayo magalada baydhaba ma aha guri lagu dhisaayo mushaar shaqaale ee waa guri lagu dhisaayo xoola la dhacay iyo dad la tahriibiyey wasiirka oo taagan.

Isku soo wada duub hadii masuuliyad laguu dhiibto masuuliyadaas haka noqon marti ee u istaag difaaca sharaftaada iyo karaamadada inta aan la gaarin gudashada howsha laguu idmadey, maanta hadii sharaftaada iyo karaamadaada ay ku tuntaan dad aan beri kuu danqan doonin xoolana kugu tilmaami doono waxaadogaataa intaad adiga meel xun is dhigtey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here