Xukuumada federaalka oo boogaadisey guulaha ay gaareen macawisleyda gobolka hiiraan

0
19

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn u bogaadisay guulo la taaban karo oo ciidanka difaaca deegaanada ee Macawiisleeyda Hiiraan ka gaareen dagaalo qaraar oo galinkii dambe ee shalay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.

Dagaalada oo ahaa kuwa u dhaxeeyay ciidanka Macawiisleeyda Hiiraan iyo maleeshiyaadka Al-shabaab, kuwaas oo si gaar ah uga dhacay deegaanada kala ah Muqliga Cali, Ceelhareeri, Hareeri Madoobe iyo Garas Magan oo dhamaantood ka tirsan gobolka Hiiraan.

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dagaalada ka dhacay Muqliga Cali, Ceelhareeri, Hareeri Madoobe iyo Garas Magan in lagu dilay ilaa 25 xubnood oo ka tirsana kooxda Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here