Guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Maxamed ayaa soo dhaweeyay heshiiskii ay madaxda Itoobiya iyo Soomaaliya ku gaareen magaalada Ankara ee dalka Turkiga si loo dhameeyo khilaafkii labada dal ka dhex aloosnaa, kaas oo ku saabsanaa heshiiskii Somaliland ay la gashay Itoobiya.
“Gudoomiyuhu waxa uu soo dhawaynayaa war-murtiyeedkii kasoo baxay wada hadaladii ka dhacay Ankara ee Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed dhexmaray, ee uu garwadeenka ka ahaa Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan,” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka Gudoomiyaha Midowga Afrika.
Waxa uu Gudoomiyaha Midowga Afrika ku boorriyay labada dal inay dhaqan-geliyaan tallaabooyinka lagu heshiiyay si aan dib u dhac lahayn.

