Maamulka khaatumo oo soo badhigey maxaabiis ay ka qabsadeen somaliland

0
398

Maamulka SSC- Khaatumo ayaa soo bandhigay ugu yaraan 10 maxaabiis ah oo katirsan ciidamada Soomaliland, kuwaas oo lagu qabtay dagaallo shalay ka dhacay degaanka Buq-dharkayn.

Warsaxaafadeed kasoo baxay maamulka SSC- Khaatumo ayaa lagu sheegay in maxaabiistani ay ku jiraan saraakiil sare sare, iyo sidoo kale gaadiid dagaal iyo hub.

Wareysiyo laga qaaday maxaabiista waxay ku sheegeen, in si wanaagsan loola dhaqmay markii lasoo qabtay. Qaar kamid ah oo dhaawacyo qaba ayuu maamulka SSC- Khaatumo u sameeyay daryeel.

SSC- Khaatumo waxay sheegeen, in madaxweynaha Somaliland uu ku guulaystay inuu colaad ka abaabulo gobolka Sool, iyagoo sheegay in ciidankiisa ay duulaan kusoo qaadeen dad reer guuraa ah ayna dileen dhowr qof oo shacab ah.