Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SODMA) ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta gargaar deg-deg ah u dirtay gobolka Gedo oo ay ku dhufteen fatahaado iyo daadad is wata kadib roobab ka da’ay gobolkaas.
Hay’adda oo ka jawaabaysa xaaladaha adag ee ka jira gobolka ayaa doonyo nooca dheereeya ah u dirtay degmada Baardheere oo kamid ah meelaha ay ugu daran ee ay ku dhufteen daadadka ku rogmaday gobolka Gedo ee dowlad goboleedka Jubbaland.
Doonyahaan ayaa lagu wadaa in ay ka qayb-qataan bad-baadinta boqolaal shacab ah oo xafadaha degmadaas ku go’doonsan, kuwaas oo ay go’domiyeen fatahaada Wabbiga Jubba, waxaana magaalada Muqdisho looga daabulay diyaarado Qomaatiga u kaca.
Sidoo kale hay’adda ayaa intaasi kusii dartay inay diyaarisay deeq kala duwan oo gargaar ah, kuwaas oo iskuugu jira raashin, dhar iyo daawo, kuwaas oo la gayn doono gobolkaasi.
