Golaha wasiirada oo maanta ansixiyey laba oo muhiim u aheyd hay’ada Nisa

0
242

Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta shirkooda todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, waxaana shir guddoominayay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Inta badan golaha wasirada ayaa shirkan soo xaadiray, ayada oo lagu ansixiyay laba xeer oo muhiim u ah amniga dalka, oo ay dadaal xoogan ku bixineyso dowladda Soomaaliya.

Labada xeer ee ay goluhu meel-mariyeen ayaa kala ah Xeer Nidaamiyaha Hey’adda Nabad Sugidda Qaranka iyo Hindise Sharciyeedka Amniga Saybarka (Cyper Security), kaas oo ay goluhu maanta u codeeyeen, wuxuuna usii gudbi doonaan baarlamaanka Soomaaliya.

Intaas kadib golaha wasirada ayaa waxaa la horkeenay warbixinta baaxadda dhibaatada ka dhalatay roobabka iyo daadadka El-nino ee ka da’ay gobollo badan oo ka mid ah dalka.

Golaha ayaa faray hay’adaha ka shaqeynaya gurmadka in la dardargeliyo sidii deg-deg gurmad loola gaari lahaa meelaha uu saameynta xoogga ku yeesheen daadadka.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ku dhuftay daadad xoogan oo saameyn ku yeeshay boqolaal kun oo qoys oo ka barakacay guryahooda, kadib ay dadaadku qaadeen.