Nadia Maxamed oo loo doortey duqa magaalada St. Loius Park

0
358

Magaaladii ugu horeysay ee dalka Mareykanka ayaa lagu doorto duq magaalo gabar Soomaaliyeed oo Mareykan ah.

Nadia Maxamed, ayaa cod aqlabiyad ah kaga guulaysatay Dale A. Anderson, iyadoo noqotay qofkii ugu horreeyay ee Soomaali Mareykan ah oo duqa magaalada loo doorto iyo sidoo kale duqii ugu horreeyay ee Madow ee St. Louis Park.

Duqa xilligaan ee magaalada St. Loius Park oo sheegay in aanu u mar saddexaad tartameynd, ayaa taageeray Nadia, ka hor inta aysan Nadia ku dhawaaqin musharaxnimadeeda bishii April ee sannadkan.

Nadia ayaa ka guuleysatay Dale Anderson oo ah bare ka tirsan Jaamacadda Minnesota oo ahaa musharraxii la tartamay, iyada oo heshay in ka badan 58% codadkii la tiriyay.

Sannadkii 2021, Deeqa Dhalac ayaa noqotay gabadhii ugu horreysay ee Soomaali ah oo noqota duq magaalo, kadib markii golaha deegaanka magaalada South Portland ee gobolka Maine ay u xusheen inay noqoto duqa magaaladaas.