Ambasador Tarsan oo sagootin loogu sameeyey magalada neyroobi

0
287

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Kenya ayaa waxay sagootin u sameysay Danjire Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), oo soo dhameystay mudadii uu ahaa Safiirka Dowladda Federalka Soomaaliya ee u fadhiyay Kenya.

Dr. Abraham Korir Sing’Oei, oo ah Xoghayaha Golaha Wasiirada Kenya ee Arrimaha Dibadda, iyo sidoo kale mas’uuliyiin kale iyo xubno ka tirsan diblomaasiyiinta Kenya, ayaa ka qeyb galay xafladda lagu sagootinayay Tarsan.

Danjire Tarsan ayaa tan iyo sanadkii 2018 soo ahaa safiirka Soomaaliya ee Kenya. Dowladda Kenya ayaa ku ammaantay inuu door muhiim ah ka qaatay horumarinta xiriirka labada dal.

Dr. Sing’Oei ayaa uga mahadceliyey danjire Tarsan ka qayb qaadashada horumarinta xiriirka Kenya iyo Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay Danjire Nuur ka go’naanshihiisa shakhsi ahaaneed ee nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.