Culumada ahlusuna ee gobolada koonfur galbeed oo shegey iney ka qeyb qaadan doonan dagaalka lagula jiro alshabab

0
215

Culimada Ahlu Sunna Wajamaaca, garabka Koonfur Galbeed oo Jimcihii shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda maamulkaasi, gaar ahaan howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Ahlu Sunnada Koonfur Galbeed ayaa shirkeeda kasoo saartay go’aanno culus oo ku aadan howlgallada la filayo inay dhawaan ka billowdaan saddexda gobolka ee maamulkaasi.

Bayaan kasoo baxay shirka ayaa waxaa lagu sheegay in Ahlu Sunna ay diyaar u tahay ka qayb qaadashada dagaalkaaas, ayna wax ka hoggaamin doonto howlgallada xoreynta ee Koonfur Galbeed.

Sidoo kale Ahlu Sunna ayaa ugu baaqaday dadka deegaanka iyo maamulkooda inay u midoobaan la dagaallanka kooxda Al-Shabaab, si looga saaro halkaasi.

Ugu dambeyn Ahlu Sunna ayaa ka dalbatay dowladda dhexe inay ku garab istaagto halganka ay rabto inay wax uga xoreyso deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.