Reysulwasaare Xamsa oo fariin u direy culimada aan ka hadli karin la dagaalanka alshabab

0
212

Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ugu baaqay dhamaan Culimada Soomaaliyeed iney ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka.

Raysal wasaaraha ayaa sidoo kale ugu baaqay culimada Masaajida gacanta ku haysa iney Masaajida ka sheegaan dhibaatooyinka ay geysanayaan kooxda shabaab ama ay fursad siiyaan kuwa ka hadli kara dhibaatada ay geystaan Al-shabaab.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay raysal wasaaraha inaan la xaqiri karin doorka qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed oo uu ku tilmaamay in ay u istaageen ka hadalka dhibaatooyinka Shabaab geysataan, islamarkaana si buuxda u taageeray howlgallada dowladda iyo dadka deegaanka kula jiraan kooxda Al-shabaab.

Hadalkaan ayuu Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre ka sheegay kulan loogu duceynayay dadkii ku dhintay Qaraxii Soobe 2 ee Muqdisho ka dhacay 29-kii Oktoobar sanadkii lasoo dhaafay 2022.