Madaxweynaha maamulka koonfur galbeed oo meel fagaara ah kula hadley shacabka degmada waajid

0
182

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo ku sugan degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa si adag uga hadlay go’doonka ay Shabaab geliyeen deegaanada maamulkaas.

Madaxweynaha ayaa maalintii shaley dadka kula hadlay fagaare ku yaalla degmada Waajid, wuxuuna farrin u diray shacabka ku nool deegaanada go’doonsan oo reer Waajid ay ku jiraan.

Laftagareen ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in dadkiisu ay go’doonsan yihiin in ka badan 14 sano, isagoo dadka kula dardaarmay inay dagaalamaan, inta aan gaajo loo dilin.

Wuxuu sheegay in reer K/Galbeed ay joogaan waqtigii ugu fursadda roonaa, isla maraakana ay diyaar u yihiin bilaabidda wajiga labaad ee dagaalka.

Sidoo kale Madaxweynaha K/Galbeed ayaa sheegay inay diyaariyeen ciidan hal maalin howlgalka wajiga labaad ka bilaabi kara seddaxda gobol ee maamulkaas.