Ahlusuna oo dhaqdhqaaqyo ka bilaabay gobolka galgaduud

0
171

Wararka aynu ka heleyno gobollada Dhexe ayaa sheegaya in haatan Ahlu Sunna Waljamaaca ay dhaq-dhaqaaqyo cusub ka billowday deegaanada maamul goboleedka Galmudug oo markii hore ay dagaal culus la galeen.

Dhaq-dhaqaaqyadaan ayaa waxaa horkacaya hoggaamiyaha guud ee Ahlu Sunna Macallin Maxamuud Sheekh Xasan oo maalmo kahor gaaray magaalada Dhuusamareeb.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dhaq-dhaqaaqyadan aysan aheyn kuwa ciidan ama siyaasadeed, balse ay yihiin kuwa caadi ah oo uu Macallin Maxamuud ka wado deegaanka, maadaama uu kasoo jeedo, una soo halgamay xoreynta dhulkaasi.

Hoggaamiyaha Ahlu Sunna ayaa haatan gaaray deegaanka Huurshe ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay si weyn ugu soo dhaweeyeen culimada deegaanka.

Macallinka ayaa waxaa socdaalkan ku wahlinaya mas’uuliyiin ka tirsan maamul goboleedka Galmudug, sida guddoomiyaha degmada Dhuusamareeb, xildhibaano iyo wasiiro, kuwaas oo kamid ah xubnaha lagu soo dhaweeyay magaalada Huurshe.