Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ayaa saakay dil toogasho ah ku fulisay laba askari oo ka kala tirsana ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Labadaan askari ee dilka toogashada ah lagu fuliyay saakay ayaa lagu kala magacaabi jiray Geedoow Maxamed Fidle oo loo yaqiinay Abuuroow iyo Ismaaciil Cabdullaahi Cabdiraxmaan oo isna loo yaqiinay Dhagey, kuwaas horay u dilay dad shacab ahaa.
Ismaaciil Cabdullaahi Cabdiraxmaan Dhagey oo ka mid ahaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa saakay loo qisaasay dil la sheegay inuu Saldhiga Booliiska Rabdhuure uu ugu geystay Marxuum lagu magacaabi jiray Xuseen Ugaas Cabdiraxmaan oo ay ahaayeen qaraabo dhaw.
Askariga labaad ee dilka toogashada ah lagu fuliyay ee Geedow Maxamed Fidle oo ku magac dheer Abuuroow, kana tirsana ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa isna la sheegay inuu horay u dilay Marxuum lagu magacaabi jiray Mursal Cali Cabdi oo u dhintay rasaas uu Abuuroow ku furay gaari safar ahaa oo uu la socday marxuumka oo ka yimid Muqdisho, waxaana dilkaas uu ka dhacay degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay.
