Isimada puntland oo maalintii labaad shir uga socda magalada garoowe

0
404

Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaa haatan ka socda shirweyne ay leeyihiin Isimada Dhaqanka Puntland, kaas oo galay maalintii labaad oo xiriir ah, ayada oo looga hadlayo xaaladda cakiran ee maamulkaasi.

Kulankan ayaa waxaa guddoominaya Boqor Burhaan Boqor Muuse, ayada oo ay inta badan goobjoog yiihiin Isimada Puntland oo door weyn ku leh dhismaha maamulkaasi.

Inta badan waxaa shirka looga hadlayaa sidii xal loogu heli lahaa khilaafka ka taagan doorashada Puntland oo ay isku hayaan mucaaradka iyo xukuumadda Saciid Deni.

Isimada ayaa wax iska weydiin doono khilaafka ka taagan doorashada, si looga gudbo xaaladda hubanti la’aanta ah ee hadda ka taagan dowlad goboleedka Puntland.

Shirkan ayaa la filayaa in Isimadu ay kasoo saaraan go’aanno ku aadan sida loo wajahayo arrinta taagan, loona qaban lahaa doorasho ay ku qanacsan yihiin dhinacyada oo dhan.