Mucaaradka maamulka puntland oo ka horyimid qorshe madaxweyne dani uu watey

0
319

Saddex kamid ah xisbiyadii siyaasadeed ee lagu tirinayay inay u janjeeraan dhinaca madaxweyne Deni, ayaa ka horyimid qorshe madaxweyne Deni uu watay oo ahaa in madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ay doortaan shacabka.

Saddexdan xisbi, ayaa shir ay ku yeesheen magaalada Garowe, waxay ku baaqeen, si loo ilaaliyo xasiloonida iyo nabadda Puntland, in baarlamaan ku yimid codka shacabka ay doortaan madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Xisbiyadan ayaa sheegay haddii madaxweyne Deni uu ka horyimaado qorshahan inay qaadayaan tallaabo kaste oo looga hortagi karo damaca Deni.

Waxay sidoo kale soo jeediyeen in musharraxiinta aan ku jirin xisbiyada loo oggolaado inay si madax bannaan uga qeyb galaan doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenka, si fursad loo siiyo musharraxiinta aan kamid ahayn xisbiyada jira.