Ilhaan Cumar oo hanjabaad kala kulantey kooxaha xagjirka ee midigta fog

0
292

Ilhaan Cumar oo katirsan aqalka Koongareeska dalka Maraykanka, ayaa waxay sheegtay in ay u baqday badbaadada qoyskeeda, ka dib markii ay la kulantay hanjabaadyo dil ah oo ku aadan in ay dhaleeceysay sida Israel ay ula dhaqanto Falastiiniyiinta.

Haweenayda xisbiga Dimuqraadiga ah ee laga soo doorto gobolka Minnesota, ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay la kulantay hadallo Islaam nacayb ah iyo hanjabaadyo loo jeedinayo qoyskeeda.

Ilhan waxay sheegtay in iyada iyo Muslimiinta kale ee Maraykanka ah ay si xun u saamaysay aflagaadooyinka ay kala kulmayaan kooxaha midigta fog. Iyada oo sheegtay inay khatar kala kulmayaaan dhaleeceynta weerarada Israa’iil ay ku hayso muslimiinta ku nool magaalada Gaza.

Waxay si gaar ah ugu hadashay hadallo ay adeegsadeen dhowr xildhibaan oo midigta-fog ah.

Fariin oo cod ah oo xafiiska Ilhan Cumar lagasoo diray, ayaa lagu sheegay in koox xagjir ah ay basaaseen haweenayda Congress-ka iyo carruurteeda.

Muslimiinta iyo Falastiiniyiinta Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay kororka cagajuglaynta iyo hanjabaadaha qaar badan ay la kulmeen, iyagoo qaarkood ay barbar dhigeen inay dareemeen walaac lamid ah markii ay dhaceen weeraradii argagixisanimo ee Sebtember 11 2001.