Hogaamiyaha maamulka koonfur galbeed oo saraakiisha kala hadley dagaalka ka dhanka ah alshabab

0
287

Madaxwweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo weli ku sugan magaalada Xudur ayaa la kulmay saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa maamulkiisa, isaga oo kala hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Laftagareen oo qaatay go’aan la xiriira dagaalka Al-Shabaab ayaa shaaca ka qaaday inuu dhawaan Koonfur Galbeed ka bilaabanayo wajiga labaad ee dagaalka.

Madaxweynaha ayaa xusay in loo diyaar garoobay dagaalka wajigiisa labaad, isla-markaana la dajiyay qorshihii lagu xoreyn lahaa deegaanada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray ciidanka Xoogga dalka, kuwa daraawiishta Koonfur Galbeed iyo Macawiisleyda, isaga oo ugu baaqay inay u dhaqaaqaan deegaanada Al-Shabaab.

Cabdicasiis Laftagareen ayaa saraakiisha iyo ciidamada ugu baaqay in aysan dib usoo laaban oo ay horay usii socdaan, si looga adkaado kooxda Al-Shabaab.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dagaalkan uu wax ka hoggaamin doono madaxweyne Xasan Sheekh marka uu kasoo dhamaado deegaanada Glamudug.