Gudoomiyaha golaha shacabka oo xaley u kicitamey dalka mareykanka

0
288

Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay u dhoofay dalka Mareykanka, isaga oo kusii jeeda magaalada Washington ee dalkaasi.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa laga sii sagootiyay garoonka Aadan Cadde, ayada oo ay ka qayb qaateen xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

War kooban oo kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha ayaa waxaa lagu sheegay in isaga wafdigiisa ay casuumaad ka heleen Aqalka golaha wakiilada waa dalka Mareykanka.

Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada-hadli doono horumarinta baarlamanka Soomaaliya iyo iskaashi toos ah oo ay yeesheen labada dhinac.

Waxa kale oo uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaan madaxda Mareykanka, si uu ugula hadlo arrimo quseeya Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale inta uu joogo Mareykanka wuxuu la kulmi doonaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas, isaga oo kala hadli xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo horumarada laga gaaray.