Madaxweynaha dowlada federaalka somaliya oo magalada asmara kulan kula qaatey madaxweynaha dalka eritrea

0
361

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomalaiya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gelinkii dambe ee shalay booqasho shaqo ku tagay Magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Madaxweyne Xasan iyo wafdigiisa ayaa markii ay ka soo degeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Asmara waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweyne Isaias Afwerki.

Kulankoodii ugu horeeyay oo ay ku yeesheen Aqalka Madaxtooyada, Madaxweyne Isaias Afwerki iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si qoto dheer uga wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidoo kale horumarinta gobolka ee danaha labada dal.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale isla soo qaaday sidii loo dar dar gelin lahaa fulinta qodobadii ay ka wadahadleen iyo heshiisyadii ay ku gaareen shirarkii hore.