Golaha musharixiinta koonfur galbeed iyo madaxweynaha oo isku afgaran waayey xilliga la qaban doono doorashada koonfur galbeed

0
463

Waxaa markale magaalada Dhuusamareeb isku arkay mucaaradka Koonfur Galbeed iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulankaan wuxuu ahaa midkii labaad oo ay isku arkaan madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubnahaan asbuuc gudihiis. Labada kulan waxaa u dhaxeeyay kulan dhexmaray madaxweyne Xasan Sheekh iyo Cabdicasiis Xasan Lafta-gareen.

Xubnaha mucaaradka ah ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed waxay ku dhaganaayeen in la fuliyo heshiiskii Baydhabo lagu gaaray horraantii bishii Febraayo ee sanadkaan. Heshiiskaas wuxuu dhigayay in doorashada Koonfur Galbeed bilaabato bisha soo aadan ee November ee sanadkaan 2023.

Mid kamid ah xubnaha mucaaradka ah ee Koonfur Galbeed ee Jimcihii la kulmay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegey in madaxweynaha uusan raali ka eheyn in wax doorasho ah ay dhacdo illaa la gaaro bisha November 2024, taas oo ka dhigan in Xasan Sheekh ku dhagan heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee 27-kii May.

Xubnaha mucaaradka ee Koonfur Galbeed markay arkeen mowqifka madaxweynaha waxay iyaguna u sheegeen inay mowqifkoodii hore sii wadayaan oo ay u socdaan magaalada Baydhabo, maadaama ay tahay magaaladoodii.