Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa furay wajigii labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab, kaas oo looga xoraynayo degaanada maamulkiisa.
Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa sheegay in ay ka go’an tahay inay kooxda Shabaab ay ka xoreeyaan dhulka Koonfir Galbeed. Wuxuu sidoo kale sheegay inay diyaar garoobeen.
Lafta Gareen wuxuu sheegay wajigii koowaad ee howlgalka ka dhanka ah Alshabaab in todobaadkan lasoo gabagabaynayo, islamarkaana ay dowladdu kusoo xirayso xoraynta Ceelbuur iyo Galhareeri.
Koonfur Galbeed ayaa kamid ah degaanada ay ku xooggan yihiin kooxda Alshabaab, taasoo keentay in degaanadaas aan safar dhulka loogu kala safri karin maadaama ay Shabaabku ku sugan yihiin dhulka miyiga ah ee isku xira magaalooyinka.
