Kooxo kala taabacsan amiirka guud ee alshabab iyo madaxa amniyaadka oo ku dagaalamay degmada jilib

0
319

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyay xubno ka wada tirsan kooxda Al-Shabaab oo ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Jubada Hoose ee koonfurta Soomaaliya, halkaas oo ay ku xoogan tahay kooxda.

Dagaalka ayaa wuxuu u dhexeeyay maleeshiyaad kala taabacsan, Amiirka Guud ee Al-Shabaab Axmed Diiriye Abuu Cubeyda iyo Madaxa amniyaadka ee kooxda Mahad Warsame oo loo yaqaano Karataay, sida ay shaaca ka qaaday wasaaradda difaaca Soomaaliya.

Qoraal ay soo dhigtay wasaaradda barteeda Twitter-ka ayaa waxa ay ku sheegtay in dagaalamayaal la kala safan horjoogayaashan ay ku dagaalameen degmada Jilib iyo sidoo kale deegaanka Hargeysa Yarey oo ka wada tirsan gobolka Jubada Hoose.

Wasaaradda gaashaandhigga ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in dagaalkaas uu khasaare lixaadleh kasoo gaaray Al-Shabaab dhexdeeda, ayna weli xaaladdu tahay mid cakiran.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in dagaalka uu daba socday xariga ay kooxda u gaysatay maleeshiyaad taabacsan garabka Mahad Karataay oo kamid ah xubnaha sar sare ee isla Al-Shabaab, kaas oo kasoo muuqday howlgalladii u dambeeyay ee kooxda