Xubnaha mucaaradka ah ee u sharaxan xilka madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo maalintii shaley shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sharaxaad waxay ka bixiyeen sababaha keenay iney ka baaqdaan safar lagu waday in maanta ku tagaan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Xubnahaan Mucaaradka ayaa waxay sheegeen in safarkoodii uu u baaqday codsi kaga yimid madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Guddoomiyahii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa warbaahinta u sheegay in codsi kaga yimid madaxweyne Xasan sheekh ay uga baaqdeen safarkii ay maanta ku tagi lahayeen Baydhabo.
Xubnahaan mucaaradka ah ayaa isugu jira guddoomiyaashii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya iyo siyaasiyiin kale oo caan ah oo kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ayaa dhamaantood u sharaxan xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaas oo doonaya doorasho waqtigeeda ku dhacda.
