Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ee Soomaaliya oo ku sugan Magaalada Barakeysan ee Makka al-mukarama ee Sacuudi Carabiya, ayaa ka hadlay caqabadihii ay la kulmeen Xujeyda Soomaaliya ee Sannadkan ku soo gutay Acmaasha Xajka.
Wasiir Roobow ayaa sheegay in Xujeyda Soomaaliyeed ee sannadkan geeriyootay ay yihiin 4 ruux oo kala ah labo dumar ah iyo labo Rag ah, waxa uu sidoo kale tilmaamay in ay lumeen 4 Xaaji, isla markaana ay rajeynayaan in waqti dhaw la helo.
Waxa uu xaqiijiyay in ay jiraan 60 Xaaji oo xanuunsatay, isla markaana dadaal dheer kaddib intooda badan Caafimadeen.
Waxa uu xaqiijiyay in ay jirtay cilad yar oo soo wajahday Xujeyda Soomaaliyeed inta ay ku gudajireen Acmaashka Xajka, taasi oo ah in Basaskii qadayay ay soo yara daheen, balse markii dame la xaliyay sida uu hadalka u dhigay Wasiir Roobow.
Si kastaba arintu ha ahaatee waa markii ugu horey ebit oo uu wasiir ku magacaabin diinta iyo awqaafta uu warbixin ka bixiyo qaabka ay xukeyda u guteen acmaasha xajka iyo dhibaatooyinka ay isla markaasi la kulmayeen, Wasiirkan cusub ayaa waxaa uu dadaal dheer geliyey in ay dhankaasi wax ceeb ah ka iman.
