Madaxweynihii hore ee maamulka hirshabeele oo ka hadley colaada u dhexeysa beelaha abgaal iyo xawaadle

0
339

Madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa sheegay inay socdaan qorshayaal lagu fashilinayo guulaha reer Hiiraan ay ka gaareen dagaalka Alshabaab.

Qoraal uu bartiisa Twitter kusoo daabacay, ayuu madaxweyne hore Waare ku sheegay in colaad laga dhex abuurayo beelaha Abgaalka iyo Xawaadle, si Alshabaab loo siiyo fursad ay kaga faaidaystaan colaaddan.

Madaxweyne hore Waare ayaa ugu baaqay maamulka Hirshabelle iyo hoggaanka Dowladda federalka Soomaaliya inay joojiyaan arrintan.

Hadalka madaxweynihii hore ee Hirshabeelle ayaa kusoo beegmay, iyadoo muranka ka taagan gobolka Hiiraan ee u dhaxeeya Hirshabeelle iyo guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan uu hakiyay ololihii ka dhanka ahaa Alshabaab.